Hiiraan Online
1/2/2025
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Sabti, Dec 28, 2024
Farmaajo "Dhacdadii Ceel baraf waa arrin khatar wayn ku ah jiritaanka ciidamada Qalabka Sida"
Sabti, December 28, 2024 (HOL) - Madaxweynahii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa qoraal uu soo saaray si adag uga hadlay dagaal beeleedyada iyo kuwa siyaasadeedsan ee ka socda qeybo ka mid ah gobolada dalka.
Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu baaqay beelaha walaalaha iney joojiyaan dagaalada iyo colaada ka dhex taagan ee dadka badan ku dhinteen.
Madaxweynahii hore ee dalka ayaa hoggaanka dowladda Federaalka Soomaaliya iyo madaxda heer Maamul goboleed xusuusiyay iney ka shaqeeyaan qiimaha Soomaalinimada iyo midnimada dadka.
Wuxuu tilmaamay madaxweynahii hore ee dalka inuu si gaar ah uga muragsan yahay saraakiisha iyo ciidanka Soomaaliyeed ee difaacayey dalkooda ee aanada qabiil loogu laayey deegaanka Ceel baraf ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Farmaajo ayaa dhacdadii Ceel baraf ku tilmaamay, arrin khatar wayn ku ah jiritaanka ciidamada Qalabka Sida oo aan lahayn hayb iyo qabiil ka hooseeysa Soomaalinimo.
Hoos ka akhriso Qoraalka Madaxweynahii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo dhameystiran:-