1/2/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 27, 2024
Wasiirka Gaashaandhigga oo sheegay in mudo 48 sacadood ah lagu soo qaban doono ragii ka dambeeyey askartii lagu dilay Ceel baraf

Jimco, December 27, 2024 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac oo Caawa shir jaraa'id qabtay ayaa si adag uga hadlay askartii Shalay lagu dilay nawaaxiga deegaanka Ceel baraf ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Wasiirka ayaa balan qaaday in muddo 48 sacadood gudahood ah lagu soo qaban doono maleeshiyaadkii ka dambeeyey dilka askartii ka tirsaneed ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ee sida arxan darada ahaa loo dilay.

"Ugu horeyn waxaan ka tacsiyadeynaya geerida Askartii Qaranka loogu geystay Ceel baraf mudo 48 sacadood ah ayaa lagu soo qaban doona dambilayaashii ka dambeeyey dilka askartii ka tirsaneed Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed loogu geystay aagga deegaanka Ceelbaraf ee gobolka Shabeellaha Dhexe" ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya.

Wasiir Jaamac ayaa u digay dadka isku dayaya inay gabaad siiyaan raggii laayey ciidanka Qaranka oo uu sheegay in haatan lagu raad joogo.

"Waxaan u digaya cid walba oo isku dayda iney gambaad siiso dambiilayaasja ficiladaan sameynaya oo dagaal beeleedyada hurina waa Al-shabaab, waxaan kalo qof walba oo Soomaali ah u sheegaya inaan la aqbali doonin in ciidan qaran la dilo" ayuu yiri Wasiir Cabduqaadir Maxamed Nuur.

Hadalkaan Caawa kasoo yeeray Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa kusoo aadaya, iyadoo maanta ciidamo badan oo ka tirsan xoogga dalka kasoo baxeen difaacyadii deegaanka Xawaadleey ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kuwaas oo deegaan ahaan kasoo jeeda gobolka Hiiraan, kana gadoodsan falkii shalay lagu laayay askarta oo haatan jooga meel u dhaw deegaanka Gongo.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in Taliyaha Nabadsugida iyo Taliyaha Dhulka iney gabal dhacii maanta gaareen Jowhar si ay dib ugu celiyaan ciidankaan gadoodsan difaacyadii ay soo baneeyeen.