1/2/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 26, 2024
Askar ka tirsaneyd ciidanka xoogga dalka oo galabta qabiil ahaan loogu dilay Shabeellaha Dhexe
 

Khamiis, December 26, 2024 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya askar ka tirsaneyd ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo galinkii dambe ee maanta qabiil ahaan loogu dilay nawaaxiga deegaanka Ceel baraf ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Inta la xaqiijiyay ilaa 6 askari oo fasax ahaa kuna sii jeeday gobolka Hiiraan iyo darawalkii waday gaariga ay la socdeen ayaa la dilay, waxaana la sheegay in laba askari oo kale in dhaawac iyagoo ah ay baxsadeen.

Dilka askartaan fasaxa aheyd ee doonayay in qoysaskooda waqti lasoo qaataan ayaa waxaa geystay maleeshiyaad qaab qabiil u abaabulnaa, kuwaas oo si arxan daro ah u toogtay dhamaan askarta oo ahaa ragg dhalinyaro ah.

Askartaan ayaa dhamaan madaxa laga wada toogtay kuwaas oo dhalasho ahaan kasoo jeeda beesha Xawaadle, waxaana xusid mudan in todobaadyadii lasoo dhaafay deegaanka Ceel baraf iyo deegaano kale oo ku yaala xaduuda gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe iney ka dhaceen dagaalo khasaaro badan geystay oo dhexmaray beelaha Xawaadle iyo Abgaal.

Ugu dambeyntii falkaan galabata ka dhacay aaga deegaanka Ceelbaraf ayaa ah mid Caawa si weyn u hadal hayaan shacabka Soomaaliyeed oo falkaasi ku tilmaamay wax aad looga xumaado, waxaana xusid mudan in sidaan oo kale sanad iyo dhowr bilood ka hor aagga Ceelbaraf loogu laayey askar la socotay gaari shacab, kuwaas oo ka tirsanaa militeriga Soomaaliya, kuwaas oo iyagana ahaa askar u dhalatay beesha Xawaadle.