Hiiraan Online
1/2/2025
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 26, 2024
Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in la dilay Hogaamiye 15 sano ka tirsana Al shabaab
Khamiis, December 26, 2024 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay kala qeyb qaadatay Saaxiibada Caalamka ee ka taageera Duqeymaha cirka ah howlgal gaar ah oo ka dhacay deegaanka Kuunyo Barrow ee Gobolka Shabeellaha Hoose laguna qaarajiyay Maxamed Mire Jaamac (Abuu Cabdiraxmaan) oo ahaa horjoogihii Al shabaab u qaabilsanaa Gobollada.
Dowladda waxa ay sheegtay in Abuu Cabdirahmaan uu ka mid ahaa horjoogeyaasha ugu sareeya Al shabaab 15-kii sano ee ugu dambeysay, asagoo horjooge ka soo noqday qaybaha Canshuurta shacabka iyo qaybta Dagaalyahanada Kooxdaasi.
Ninkaan waxaa lagu xasuustaa inuu ahaa aas-aasihii Jabhadii Caanoole oo si qasab ah ugu biirtay Al shabaab sanadkii 2009kii.
War saxaafadeedka ay Dowladda kasoo saartay dilka ninkaan ayaa waxa lagu yiri "Dowladda Soomaaliya iyo Saaxiibada Caalamka ayaa in muddo ah ku raad-joogay horjoogahaan iyo horjoogayaal kale oo dhiigyo cab ah, kuwaas oo dhammaantood la haayo macluumaadkooda oo dhamaystiran".
Inta badan duqeymaha noocaani oo kale ah ee hogaamiyaal sarsare oo ka tirsan Al shabaab lagu qaarijiyo waxaa fuliya diyaarado ay leedahay Dowladda Mareykanka.