Hiiraan Online
1/28/2025
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Talaado, Dec 24, 2024
Hay'adda Duulista Rayidka oo shaacisay iney baaritaan ku hayso diyaarad shalay lagu afduubay Kismaayo
Talaado, December 24, 2024 (HOL) - Iyadoo maanta ay hakad ku jireen howlahii duulimaadyada diyaaradaha ee magaalooyinka Muqdisho iyo Kismaayo ayaa arintaasi waxaa goordhaw ka hadashay hay'adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed oo ku eedeysay hakadka duulimaadyadaas maamulka Jubbaland.
Warsaxafadeed kasoo baxay hay'adda Duulista Rayidka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Shalay maamulka Jubbaland uu garoonka diyaaradaha Kismaayo ka afduubtay diyaarad ay laheyd shirkadda Halla Airlines, islamarkaana sidoo kale qasab lagula wareegay nidaamkii is gaarsiinta diyaaradaas.
Hay'addu waxay sidoo kale tilmaamtay in falkii Shalay ka dhacay Kismaayo uu sababay cabsi ku aadan in diyaaradihii u safri lahaa Kismaayo ay saaka ku dhiiran waayeen safaradoodii u qorshaysnaa ee magaalada Kismayo, taasoo saameyn xoog leh ku yeelatay dadkii maanta u kala safri lahaa Kismaayo iyo Muqdisho.
Warka kasoo baxay Hay'adda Duulista Rayidka ayaa kusoo aadaya, iyadoo maamulka shirkada diyaaradda Halla Airlines ay dhankooda goor sii horeysay oo maanta ah ay shaaciyeen in diyaarad ku soo socotay Muqdisho si qasab ah loogu duuliyay degmada Doolow ee gobolka Gedo, kadib markii uu ku qasbay maamulka Jubbaland.
Dhacdadaan oo ugub ku ah dalka ayaa kusoo aadeysa, iyadoo uu sii kordhaayo khilaafka u dhaxeeya maamulka Jubbaland iyo dowladda fedaraalka Soomaaliya, kaasoo ka dhashay doorashadii uu bishii lasoo dhaafay Kismaayo ku qabsaday Axmed Madoobe.
Hoos ka akhriso Warsaxafadeedka Hay'adda Duulista Rayidka oo Dhameystiran:-