1/28/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 22, 2024
Madaxweynaha Jubbaland oo dalacsiiyay dalacsiiyay Taliyihii Aagga Waqooyi ee Kismaayo
 
Axad, December 22, 2024 (HOL) - Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam Madoobe, ayaa maanta darajada Gaashaanle u dalacsiiyay Taliyihii Aagga Waqooyi ee magaalada Kismaayo, Dhame Cabdixakiin Xasan Cartan, oo loo yaqaano Jabuuti. 

Madaxtooyada Jubbaland ayaa sheegtay in Cabdixakiin Jabuuti uu dalacsiinta ku muteystay kadib markii uu dhawaan iska diiday lacag gaareysay $90,000 oo la sheegay in dowladda federaalka ay usoo bandhigtay, si uu u afgambiyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe. 

HOL si madax banaan uma xaqiijin karto wararka ku saabsan lacagta loo soo bandhigay Cartan. 

“Madaxweynaha Dowladda Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa Dhame Cabdixakiin Xasan Cartan (Jabuuti), Taliyaha Aagga Waqooyi ee magaalada Kismaayo ee Ciidanka Booliska Jubbaland, oo si geesinimo leh u diiday damaca guracan ee Xasan Sheekh Maxamuud uu dhaqaalaha ku kala furfurayay ciidamada Jubbaland, u dalacsiiyay darajada Gaashaanle,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Jubbaland. 

Madaxweynaha Jubbaland ayaa sidoo kale bogaadiyay saraakiisha iyo shacabka reer Jubbaland oo iska diiday qorshihii dowladda federaalka, inkastoo ciidamo badan oo Jubbaland ka tirsan ay dhowaan ku biiraan militeriga federaalka.

Khilaafka dowladda federaalka iyo maamulka Jubbaland ayaa si weyn u soo shaac baxay wixii ka dambeeyay 25-kii November, xilligaas oo Madaxweyne Axmed Madoobe uu qabtay doorashada maamulka. Khilaafkan siyaasadeed ayaa markii dambe isku beddelay dagaal ka dhacay magaalada Raskambooni ee gobolka Jubbada Hoose.