12/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 22, 2024
Siciid Deni: Puntland waxay ka war haysaa dadka gacanka saarka laleh argagaxisada, cafis ayay u fidinaysaa xubnihii ka toobad keena
 

Axad, December 22, 2024 (HOL) - Madaxweynaha maamulka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa shaaca ka qaaday in Puntland ay si buuxda uga war qabto shaqsiyaadka faraha kula jira falalka argagixisanimo ee ka dhaca guud ahaan magaalooyinka Puntland.

Si kastaba ha ahaatee, wuxuu madaxweynaha Puntland carrabka ku adkeeyay in tallaabo laga qaadi doono xilliga ku haboon.

Madaxweynaha Punltland ayaa sidoo kale sheegay in maamulkiisu uu cafis u fidinayo xubnaha Shabaab iyo Daacish ee doonaya inay ka tanaasulaan fikirkooda xagjirnimada.

"Waxaan rabaa inaan halkan farriin uga diro qof kasta oo ku jira ururro xag-jir ah oo diyaar u ah inuu ka tanaasulo fikirkooda - waxaan u fidin doonnaa cafis," ayuu ku dhawaaqay madaxweyne Deni.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale caddeeyey in ciddii ka dhaga adeygta ay wajihi doonaan ciidamada Puntland oo dhan.

“Ciddii madax adayga ah waxaan farayaa ciidamada Puntland inay gutaan waajibaadkooda, ciddii diyaar u ah inay bulshadooda ka mid noqdaan, dowladdu waxay dejisay siyaasad lagu maareynayo dadka doonaya inay dib uga soo laabtaan dambiyadaas.

Hadalka Madaxweynaha ayaa kusoo aadaya iyadoo Puntland ay ku dhawaaqday dagaal ka dhan ah Daacish, inkastoo uusan weli dagaal bilaaban.