Jimco, December 20, 2024 (HOL) - Dadka ku dhaqan deegaanka Kulub ee bariga gobolka Mudug ayaa ku qasbanaaday in ay isaga guuraan deegaankaas, ka dib markii Bacaad ku habsaday uu duugay guryahoodii, xarumihii caafimaad, dugsiyo iyo ceelal biyoodyo.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in bacaadku uu go'doomiyay kaabayaasha aasaasiga ah, sida ilaha biyaha iyo adeegyada caafimaadka. Xaaladdan ayaa ka dhigtay adeegyada muhiimka ah kuwo aan la heli karin, taasoo sii xumaysay nolosha dadka deegaankaas horey ugu noolaa.
"Tani waxay naafaysay nolosheenii, ma haysanno meel aan aadno, mana haysanno dhaqaale aan ku maarayno nafteena," ayuu yiri mid ka mid ah dadka barakacay. Wuxuu ku baaqay in dowladdu iyo hay’adaha gargaarku ay si degdeg ah uga jawaabaan xaaladda.
Waxaa jira cabsi laga qabo in deegaano kale oo ku yaalla bariga gobolka Mudug ay la kulmaan xaalad la mid ah tan Kulub, taasoo sare u qaadday walaaca laga qabo saameynta ba'an ee dhibaatada Bacaadku ku yeelan karto dadka ku nool degaanadaas.