12/21/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 19, 2024
Dowladaha Soomaaliya iyo Tanzania oo heshiisyo iskaashi ah ku saxiixan doona Muqdisho
 


Khamiis, December 19, 2024 (HOL) - Wafuud ka socotay dalka Tanzania ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho kuwaasi oo heshiisyo horumarineed iyo xiriirka labada Dowladoodba ku saxiixi doona Magaalada Muqdisho sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.

Wafdigaan ka socda dalka Tanzania waxaa horkacaya Wasiirka Arrimaha Dibadda Danjire Maxamuud Thabit Kombo iyo Danjire Saciid Shaib Mussa oo ah ku xigeenka Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Tanzania iyo mas'uuliyiin kale.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Macalim Fiqi oo wafdigaan Garoonka kusoo dhoweeyay ayaa shaaca ka qaaday in booqashadoodi ay xoojin doonto xiriirka labada Dowladood.

Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa imaanshiyaha wafuudaan waxa ay ku tilmaamtay Booqasho taariikhi ah oo muujinaysaa waa' cusub oo u furmay xiriirka Soomaaliya iyo Tanzania, iyadoo labada dal ay isku diyaarinayaan inay si rasmi ah u dejiyaan heshiisyo taariikhi ah oo la doonayo in lagu hormariyo danaha wadaagga ah iyo sidii loo abuuri lahaa iskaashi dhow.

Safiirka Soomaaliya ee dalka Tanzania Danjire Ilyas Cali Xasan, oo la socday wafdigii todobaadkan yimid magaalada Mogadisho, ayaa hoosta ka xariiqay in heshiiska ay galeen labada dal uu kor u qaadi doono iskaashiga iyo wada shaqeynta labada waddan.

Heshiisyada lagu saxiixi doono magaalada Muqdisho ayaa ah kuwo si istiraatiiji ah loo dejiyay si loo xoojiyo iskaashiga dhinacyada muhiimka ah sida: Difaaca, Dalxiiska, Caafimaadka iyo Duulimaadka.

Hindisahaan ayaa ka dhashay wada-hadalladii wax-ku-oolka ahaa ee horaantii sanadkan la qabtay intii lagu guda jiray booqashadii uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku tagay Daarusalaam, halkaas oo uu wada-hadal kula yeeshay Madaxweyne Samia Suluxu Xasan.