12/21/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 18, 2024
Somaliland oo Ku Hanjabtay in ay Tallaabo Ka Qaadayso Cid Kasta oo Jiritaankeeda Khatar Gelisa
 

Arbaco, December 18, 2024 (HOL) - Somaliland ayaa sheegtay in ay guul weyn ka gaadhay dagaalkii shalay ka dhacay koonfurta gobolka Sanaag, halkaas oo ay ku dagaallameen ciidamadeeda iyo kuwa SSC Khaatumo.

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Amniga Gudaha Somaliland ayaa lagu yidhi: “Wasaaraddu waxay si wayn u boogaadinaysaa Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo markasta u taagan difaaca qarannimada iyo xaqiijinta amniga guud ee dalka. Ciidamada Qaranku waa naftood hurayaal, waxayna shalay Qaranka u soo hooyeen guul wayn.”

Somaliland ayaa tilmaantay in ciidamadeedu shalay muujiyeen inay si adag uga hortagi karaan cid kasta oo isku dayda in ay waxyeello u gaysato jiritaanka iyo madax-bannaanideeda.

“Dowladda Somaliland waxay u taagan tahay oo astaan u ah nabad, horumar, dimuquraadiyad, iyo himilooyinka lagu xaqiijinayo halka qarankani higsanayo. Balse marnaba gorgortan kama gelayso wax kasta oo taabanaya ama waxyeelaynaya qarannimada, wadajirka bulshada, iyo amniga guud ee dalka,” ayaa lagu xusay warsaxaafadeedka.

Ciidamada Somaliland ayaa guul ka sheegtay dagaalkii xoogga lahaa ee shalay ka dhacay koonfurta Sanaag, kaas oo ay dagaal adag kula galeen ciidamada SSC Khaatumo. Labada dhinac ayaa sheegay in ay kala qabsadeen maxaabiis intii uu dagaalku socday.

Hase ahaatee, SSC Khaatumo iyo Somaliland ayaa midba midka kale ku eedaynaya masuuliyadda dagaalkan. Labada dhinac ayaa ku hirdamaya maamulidda deegaanno ka tirsan gobolka Sanaag, oo Ceerigaabo ay ugu horreyso.