12/21/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 17, 2024
Macluumaad laga helay markab jariif ah oo lagu qafaashay xeebaha Puntland
 

Talaado, December 17, 2024 (HOL) - Markab muddo afar sano ah si sharci darro ah uga kalluumaysanayay xeebaha Puntland oo dhawaan burcad-badeeddu afduubteen ayaa laga helay caddeymo, kaddib markii bannaanka lasoo dhigay dukumeentiyo qarsoodi ah.

Markabkan oo sita shatiga kalluumeysiga Puntland oo dhacay sannadkii 2020, ayaa ku diiwaan gashanaa inuu yahay doon kalluumaysi oo laga leeyahay Yemen.

Waxaa la ogaaday in ay ku lug leeyihiin masuuliyiin katirsan madaxtooyada Puntland, wakiilna uu ka yahay Senatar katirsan Aqalka Sare oo lagasoo doorto Puntland.

Markabkan ayaa la ogaaday inuu Muggiisu qaado halkii mar 5 kun oo doonyood oo ah nooca Yemeniniinta.

Sida aan xogta ku helnay, Kooxda qabsatay markabka ayaa loo bandhigay inay qaataan $500,000 oo madax furasho ah. Si kastaba ha ahaatee, dalabkan way ka horyimaadeen.

Dhacdadani ayaa hoosta ka xariiqaysa dhibaatooyinka sii kordhaya ee ku xeeran kalluumaysiga sharci darrada ah ee ka jira Puntland, taasoo dib usoo noolaysay howlaha burcad badeednimada.