12/21/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 17, 2024
Nin Taageere Weyn u ah Madaxweyne Cirro oo Loo Diiday In uu Somaliland Yimaado
 

Talaado, December 17, 2024 (HOL) - Xukuumadda Somaliland ayaa diiday inuu Hargaysa kasoo dago, Liibaan Al-Cadala, oo ka mid ah taageerayaasha Madaxweyne Cirro, kaasi oo amar madaxweyne lagaga reebay diyaaradda Fly Dubai, oo uu kasoo raaci lahaa Dubai.

Kadib markii uu soo baxay amarka ka dhan ah Al-Cadala, ayaa waxa mudaharaad rabshado wata Madaarka Cigaal ka dhigay, taageerayaal tiro badan oo doonayay inay soo dhaweeyaan.

Al-Cadala, oo Yurub ka yimid, ayaa sheegay in laga soo dajiyay diyaaradda Fly Dubai, kadib markii ay soo gaadhay waraaq ka socota madaxweynaha oo lagaga joojinayo safarkiisa Hargaysa.

"Warqad ayaa la i tusay sheegaysa in madaxweynaha cusub ee dalka haystaa uu diiday inaan kasoo dago madaarka magaalada Hargaysa," ayuu yidhi Al-Cadala. "Alaabtaydii waa la kala daadiyay, diyaaradiina waa layga dajiyay, waxaas oo dhanna waxa ka masuul ah madaxweynaha cusub ee dalka haysta."

Al-Cadala, waxa uu codsi gaar ah u diray madaxweynihii hore ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, oo uu ka codsaday in uu ka taageero sidii uu Hargaysa u iman lahaa. Al-Cadala ayaa si weyn uga soo horjeedi jiray Madaxweyne Biixi.

Xisbiga Waddani oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in maxkamadaha Somaliland ay danbiyo kala duwan u haystaan, sidaas darteedna ay diideen inuu Hargaysa kasoo dago.

Sharci yaqaan Guuleed Dafac ayaa sheegay inay sharci darro tahay in qof muwaadin ah loo diido inuu dalkiisa yimaado, taa beddelkeedana ay mudnayd in wixii danbi ah ee uu galay lagu qaado kadib marka uu yimaado.

Al-Cadala oo taageero weyn u ahaa Madaxweyne Cirro, ayaa baraha bulshada ku faafin jiray hadallo uu ku aflagaadaynayo qaybo kamid ah bulshada, isaga oo marar badan bulshada ugu baaqay inay dagaalo ridaan.