12/30/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 17, 2024
Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Wakiilka Gaarka ah ee dowladda Shiinaha ee Geeska Afrika
 

Talaado, December 17, 2024 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xarunta Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Ergayga gaarka ah ee dowladda Shiinaha Wakiilka uga ah Geeska Afrika Xue Bing oo booqasho rasmi ah ku yimid Muqdisho.

Madaxtooyada Soomaaliya oo faahfaahin ka bixisay kulanka Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Danjire Xue Bing ayaa sheegtay in labada masuul ay ka wada hadleen xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinacyada amniga, dhaqaalaha, siyaasadda, diblomaasiyadda, ganacsiga iyo waxbarashada si loo kobciyo danaha ay wadaagan Soomaaliya iyo Shiinaha.

"Madaxweynaha ayaa danjiraha la wadaagay horumarada uu gaaray dalkeenna iyo fursadaha maalgashi ee ka bannaan, taas oo ay wadaagi karaan Soomaaliya iyo Shiinaha, waxa uuna xusay in Soomaaliya waqtigan u diyaarsan tahay la falgalidda caqabadaha iyo fursadaha isku sidkan ee ka imaan kara heer Gobol iyo kuwa caalamiga ah" ayaa lagu yiri war kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya.

Danjire Xue Bing ayaa dhankiisa uga mahad celiyey Madaxda iyo shacabka Soomaaliyeed soo dhaweynta wanaagsan oo ay u fidiyeen isaga iyo wafdigiisa, waxuuna bogaadiyey guulaha ay ku tallaabsatay dowlada Federaalka ee ah dhinacyada amniga, xaqiijinta nabadda, la dagaalanka argagixiasada, iyo horumarka Geeska Afrika.

Si kastaba ha ahaatee dowladaha Soomaaliya iyo Shiinaha waxaa ka dhaxeeya xiriir soo jiray mudo aad u dheer oo kor u dhaafaya 60 sano, waxaana Xukuumadda Beijing ay haatan safka hore kasoo gashay dalalka dowlada Federaalka ka gacan siiya dhinacyo kala duwan, gaar ahaana la tacaalidda xaaladaha bani aadamnimo oo uu soo maray waqtiyo kala duwan dalka.