Talaado, December 17, 2024 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa ku booriyay ganacsatada Soomaaliyeed iney qaataan hubka oo iska dhiciyaan kooxda Al-shabaab.
Xamse ayaa ganacsatada faray ineysan bixin lacagaha baada ah ee Al-shabaab ka qaadato, taas badalkeena loo baahan yahay iney hub ku iibsadaan si ay isaga dhiciyaan kooxda.
"Waxa halkaan fadhiya ganacsato waa weyn oo marar badan tagay goobaha Khawariijtu uga yeeraan sida Jilib oo kale, waxan idin leeyahay hubka qaata dowladdana way idiin sharciyeyneysa ee sanka ka giliya cadawga idin duleystay ee lacagaha sida baada ah idinkaga qaata" ayuu yiri Raysal wasaare Xamse Cabdi Barre.
Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in ganacsatada Soomaaliyeed ay ku nool yihiin nolol uu ku tilmaamay mid ilhaabeysi ah.
"Madan dhiman mana noolidiin oo waxad ku nooshihiin nolol uusan aqbali karin nin rag ah iyo qof Soomaali ah, war naftu halmar bey go'da waana waqtiguu Alle u qora ee xayaato isku yeela wiil yar intuu in dhaho soo bax Jilib imaw inaad baabur qaadataan oo rafaad badan kadib tagtaan hadana 10 hanjabaad la kulantaan waxaasi nolol maaha ganacsato" ayuu yiri Raysal wasaare Xamse Cabdi Barre.
Hadalkaan ayuu ka jeediyay Raysal wasaaraha Soomaaliya ka sheegay shir dowladda, ganacsatada iyo qeybaha bulshada uga hadlayeen ka hortaga iyo la dagaalanka maal gelinta waxa loogu yeero Argagixisada oo ka dhacay Muqdisho.