12/21/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 17, 2024
Munaasabad lagu maamuusayay Xeerka Ciise ee ay aqoonsatay UNESCO oo lagu qabtay magaalada Diridhabe


Talaado, December 17, 2024 (HOL) - Magaalada Diridhabe ee dalka Itoobiya ayaa maalintii shalay ahayd waxaa lagu qabtay Munaasabad ballaadhan oo lagu maamuusayay Aqoonsashada ay UNESCO aqoonsatay xeerka beesha Ciise, isla markaana lagu guddoonsiinayay Shahaado sharaf Ugaaska Beesha Ciise Ugaas Mustafe Maxamed Ibraahim Ugaas Waceys.

Munaasabaddan ayaa waxaa kasoo qaybgalay Ugaaska Beesha Ciise, Masuuliyiin ka kala socotay Dowlad Degaanka Soomaalida iyo Ismaamulka magaalada Diridhabe, Odayaal dhaqameed iyo Marti sharaf kale.

Ugaaska Guud ee Beesha Ciise Ugaas Mustafe Maxamed Ibrahim Ugaas Wacays oo ka hadlay munaasabaddan ayaa sharaxaad ka bixiyay Xeerkan ay leeyihiin beesha Ciise ee ay aqoonsatay Hay'adda UNESCO, isagoo sheegay in xeerkani uu yahay mid ka hadlaya wax kasta oo bulshada ku saabsan, isla markaana uu yahay mid ilaa 5 qarni soo jiray oo aan ilaa iyo hadda waxba iska baddalin, laguna dhaqmo.

Ugaaska ayaa sidoo kale sheegay in waxyaabaha xeerkan ku qoran ee dadka soo jiitay uu yahay in qofka kasoo jeeda beesha Ciise meesha uu doono haka yimaadee inuu u hoyan karo reerka uu doono ee Ciise, haddii la marti galin waayo waala xukumayaa waxaana lagu qaadayaa Xeerka Ciise waxa uga yaalla arrintan.

Xeerkan Xeer Ciise ayaa la sheegay inuu meelo badan kaga duwan yahay xeerarka ay Soomaalida kale badankood ku dhaqmaan, isagoo la sheegay in meesha ugu weyn ee Xeerkan Ciise uu uga duwan yahay xeerarka kale uu yahay in siduu yahay loogu dhaqmo, lana ixtiraamo walina aan la baddalin.

Xeerkan oo soo jiray 5 qarni wax ka badan ayaa markii u horreysay waxaa sameeyay Odayaal dhaqameed ilaa 100 gaaraya oo laga kala soo xulay dhulka ay Ciisuhu degaan, isagoo xeerkan lagu aasaasay Tuulada Waaruf oo hoos tagta magaalada Mille ee Dowlad Degaanka Soomaalida.

Aqoonsashada ay UNESCO aqoonsatay Xeerkan Xeer Ciise ayaa la sheegay inay ka dambeeyeen guddi dhalinyaro ah oo iskood isu abaabulay, howshan aqoonsiga ahna ay soo socotay muddo ilaa labo sano ah, sidaasna ay ku timid maanta inay UNESCO aqoonsato Xeerkan ay leeyihiin beesha Ciise.

Gabagabadii Munaasabaddan ayaa waxaa shahaado sharaf lagudoonsiiyay Ugaaska Beesha Ciise Ugaas Mustafe oo la sheegay inuu yahay Ugaaska kaliya ee beeshu leedahay, kaas oo mideeyay beesha Ciise meel walba oo ay duniida ka joogto.