12/21/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 14, 2024
Kenya oo adkaysay ammaanka xuduudkeeda, iyadoo walaac ka qabta xiisadaha Dowladda Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland
 

Sabti, December, 14, 2024 (HOL) - Kenya ayaa xoojisay ammaanka xuduudka ay la wadaagto Soomaaliya, kaddib iska horimaadyadii ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa Jubbaland ku dhexmaray deegaanka Raaskambooni.

Saraakiisha Kenya ayaa walaac ka muujiyay in xaaladdu ay ka sii dari karto maalmaha soo socda.

Arbacadii todobaadkii hore, Askar ka tirsan Ciidanka Qaranka Soomaaliya (SNA) oo ka cararay dagaalka Raaskambooni ayaa isku dhiibay ciidamada ammaanka Kenya ee ku sugan magaalada xuduudka Ishiakani.

Sida ay sheegtay dowladda Kenya, ugu yaraan 600 oo askari oo ka tirsan ciidamada federaalka Soomaaliya ayaa isku soo dhiibay Kenya fiidnimadii Arbacada.

Iska horimaadkan oo billowday subaxnimadii Arbacada ayaa ciidamada Jubbaland waxay cagta mariyeen xerada Raaskambooni, iyagoo gacanta ku dhigay askar ka tirsan dowladda Federaalka, sidoo kalena gubay gaadiid dagaal.

Kenya ayaa isku diyaarinaysa qulqulka qaxootiga Soomaaliyeed ee kasoo cararaya xiisadda xuduudka Soomaaliya, iyadoo dadkii ku noolaa tuulooyinka ay dhibaatadu ka dhacday ay isaga carareen guryahooda.

Kenya waxay ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka geysay degaanada xaduudka ku teedsadan si ay wax uga qabtaan dhibaatada ka taagan xadka, iyadoo laga cabsi qabo in colaaddu ay sii xumeyso xasilooni darada gobolka.