Hiiraan Online
12/21/2024
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 12, 2024
Mustaf Dhuxulow oo loo magacaabay Agaasimaha guud ee Hay'adda Socdalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya
Khamiis, December, 12, 2024 (HOL) - Shirkii Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa lagu magacaabay Agaasimaha Guud ee Hay'adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya Xildhibaan Mustaf Cali Dhuxulow oo kamid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka, Kulanka maanta waxaa shir Gudoomiyay Ra'iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.
Qoraal ka soo baxay Golaha Wasiirada ayaa lagu sheegay in Wasaaradda Amniga Xukumadda Federaalka ay soo jeedisay magacaabista Agaasimaha cusub ee Hay’adda Socdaalka.
“Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Amniga Gudaha ee magacaabista Agaasimaha Guud ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, in uu noqdo Mustafe Sheekh Cali Dhuxulow” ayaa lagu yiri qoraalka Golaha Wasiirada.
Mustaf Dhuxulow ayaa horay Xilal Wasiir ka soo qabtay Xukuumaddihii KMG iyo Xukuumadihi rasmiga muddo labaatan sano ayuu ahaa Xildhibaan Baarlamaan laga soo bilaabo xilligii Mbagathi.
Mustaf Dhuxulow ayaa badelaya Agaasimihii Guud ee Hay'adda Socdaalka Axmed Saciid Maxamed oo maalin ka hor kula dardaarmay Shaqaalaha Hay'adda in la dar dargeliyo howlaha baasaboor bixinta isla markaana waxa uu sidoo kale saraakiisha ku booriyay in muwaadiniinta loo fududeeyo adeega loo haayo loona turo dadka jilicsan ee soo doonto adeegga baasaboor bixinta.