12/21/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 10, 2024
Wasiir Fiqi: Dhaqdhaqaaqyada ciidan ee Itoobiya ay ka waddo Jubbaland waxa ay carqaladaynayaan wada-xaajoodyadii Ankara
 

Talaado, December, 10, 2024 (HOL) - Wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya ayaa walaac weyn ka muujisay in dowladda Itoobiya ay hub sharci darro ah soo gelisay Soomaaliya, gaar ahaan degaanada Jubbaland, halkaas oo ay ka jiraan xiisado u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo maamulka Jubbaland.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in ay walaac ka muujinayaan tallaabooyinka qaar oo ay qaadday dowladda Itoobiya, kuwaas oo uu sheegay inay xad-gudubyo cad ku yihiin madax-bannaanida, arrimaha gudaha, iyo amniga Soomaaliya, islamaraasna kahor imanaya shuruucda iyo xeerarka caalamiga ah.

“Waxaa xaaladda sii murjiyay dhaqdhaqaaqyadii hore ee Itoobiya ee dhul-ballaarsiga, oo ay ka mid ahayd isku day ku doonaysay inay gacanta ku hayso dhul-badeedka Soomaaliya ee gobollada Waqooyi ee Soomaaliya (Somaliland),” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda.

Bilihii la soo dhaafay, dowladda Soomaaliya waxay sheegtay in Itoobiya ay ku howlaneyd daabulida Hubka lasoo gelinayo Maamulada Puntland iyo Galmudug.

December 7, 2024, waxay dowladdu sheegtay in labo diyaarad oo ay leedahay shirkadda Ethiopian airline ee Bariga Afrika, wadatana lambarka ET-ATF, ay ka degtay magaalada Kismaayo ee maamulka Jubbaland. Diyaaradan oo nooceedu ahaa C12, ayay dowladdu sheegtay in ay sidday hub sharci darro ah.

Wasiir Fiqi wuxuu sheegay falalkani inay  khatar ku yihiin xasilloonida gobolka, ayna wiiqayaan xidhiidhka derisnimo, iyo mabaadi’da nabad-ilaalinta ee Hawlgalka Ku-meel-gaadhka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS).

Wasiirku wuxuu sidoo kale sheegay in tallaabooyinka Itoobiya ay carqaladaynaya wada-xaajoodyadii Ankara ee u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya.