12/21/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 10, 2024
Somaliland oo Ku Hoggaaminaysa Afrika Daganaanshaha Siyaasadeed iyo Amniga – Crisis Group
 

Talaado, December, 10, 2024 (HOL) - Hay’adda Caalamiga ah ee Xasaradaha Adduunka (Crisis Group) ayaa Somaliland u aqoonsatay meesha kaliya ee Afrika ay ka jirto daganaansho siyaasadeed iyo amni laysku halayn karo, sida ku cad warbixinteeda sanadkan 2024.

Warbixinta Crisis Group waxay xustay in Somaliland ay ka gudubtay hubanti la’aantii siyaasadeed kadib doorashadii madaxtooyada iyo xisbiyada ee 13 November 2024, taas oo si nabad ah oo daahfuran u qabsoontay.

Warbixintu waxay tilmaantay in doorashadani ay horseedi karto dib u soo celinta xidhiidhada Somaliland iyo Jabuuti, iyo sidoo kale xalinta xiisadaha kala dhexeeya SSC Khaatumo oo sannadihii u dambeeyay colaado ka dhex jireen.

“Doorashada madaxweynuhu waxay ku qabsoontay nabad kadib xiisad taagnayd muddo billo ah iyo laba sano oo dib u dhac ah. Hoggaamiyihii mucaaradka ayaa ku guulaystay, taas oo rajo galinaysa horumar ku saabsan xidhiidhada gudaha iyo dibedda,” ayaa lagu sheegay warbixinta.

Sida ka muuqata maabka ay baahisay Crisis Group, Somaliland waa meesha kali ah ee qaaradda Afrika ay ka jirto xasilooni siyaasadeed iyo mid amni oo laysku halayn karo.

Somaliland wali waxa ay kasoo kabanaysa isjiidjiid siyaasadeed oo soo taxnaa labada sano ee u dambeeyay, dhica kale waxa wali taagan xiisadaha u dhexeeya ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC Khaatumo, kuwaas oo wali maxaabiis kala haysta.