5/1/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 5 , 2024
Wiil dhallinyaro ah oo lagu dilay magaalada Laascaanood
 

Jimco, April, 5, 2024 (HOL) - Booliiska magaalada Laascaanood oo gacanta kusoo dhigay 2 eedaysane oo dil toogasho ah u gaystay will dhallinyaro ah oo 26 sanno jir ah.

Taliyaha booliiska SSC Khaatimo, ayaa sheegay in ay gacanta kusoo dhigeen 2 nin oo dil toogasho ah u gaystay Cabdiqaadir Haaruun Cabdixaafid, oo ahaa wiil dhallinyaro ah oo reer Laascaanood ah.

"Saaka 9:40 ayaa dil ka dhacay magaalada Laascaanood, dilka waxa loo gaystay marxuum Cabdiqaadir Haaruun Cabdixaafid oo 26 jir ah kuna dhashay magaalada Laascaanood, dilka waxa gaystay 2 gacan ku dhiigle" ayuu yidhi taliyuhu.

Waxa uu sheegay taliyuhu in eedaysaneyaashu ay marxuumka xabada wadnaha kaga dhufteen, kadibna ay ka baxsadeen magaalada, intaa kadibna dadaal ay sameeyeen ciidamada booliisku lagu guulaystay in gacanta lagu soo dhigo.

Waxa uu sheegay in eedaysanayaashu ay ku baxsadeen baabuur Probox ah, isla markaana, baabuurkii uu ka jabay markii ay muddo socdeen, isla markaana goobo kala duwan laga soo qabtay goob magaalada ka fog.