5/1/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 5 , 2024
Duqeyn dhanka cirka ah oo lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaab oo ka dhacday xadka Galgaduud iyo Shabeellaha Dhexe
 

Jimco, April, 5, 2024 (HOL) - Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya iyo kuwa dadka deegaanka oo garab ka helaya Saaxiibada Caalamka ayaa howlgal dhinaca cirka ah ka fuliyay deegaano ku yaala xadka gobolada Galgaduud iyo Shabeellaha Dhexe.

Howlgalkaan dhanka cirka ah ayaa lagu beegsaday xubno ka tirsan kooxda Al Shabaab oo ku dhuumaaleysanaayay dhul howd ah oo ku yaala deegaanada kala ah Jir jir farey iyo Burka Fiiqey oo dhanka Waqooyi kaga beegan deegaanka Ruunirgood ee gobolka Shabeellaha dhexe.

War qoraal ah oo kasoo baxay dowladda Fedaraalka ayaa lagu sheegay in weerarka lagu dilay xubno badan oo ka tirsan kooxda Al-shabaab, islamarkaana sidoo kale lagu gubay gaadiid nooca dagaalka ah oo ay wateen kooxda.

"Diyaaradaha dagaalka ayaa Howlgal qorsheysan ka fuliyay laba goobood oo ah dhul hood, waxaana Howlgalkaan uu ka dhacay halka loo yaqaano Jir jir farey & Burka fiiqey oo dhanka waqooyi kaga beegan Degmada Ruunirgood. Maleeshiyada Argagixisada ah ayaana jab weyn lagu gaarsiiyay Howlgalkaan waxaana lagu dilay maleeshiyaad badan, iyadoona gaadiid looga gubay" ayaa lagu yiri warka kasoo baxay dowladda.

Ciidamada dowladda oo garab ka helaya diyaaradaha dagaalka saaxiibada Caalamka ayaa marar badan duqeymo dhinaca cirka ka fuliyay deegaano iyo goobo ay joogaan kooxda Al-shabaab, waxaana duqeymahaasi qaarkood lagu dilay horjoogayaal iyo xubno badan oo ka tirsanaa kooxda Al-shabaab.