5/1/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 18, 2024
Midowga Yurub oo ka digay bixinta madaxfurashada maraakiibta ay afduubtaan burcad badeedda Soomaalida
 

Khamiis, April, 18, 2024 (HOL) - Ciidamada badda ee Midowga Yurub ee Atalanta ee gacanta ku haya howlgallada burcadbadeedda ah ee badweynta Hindiya, ayaa ka digay in go'aankii todobaadkii hore ay shirkad Bangaladesh ah ku bixisay madaxfurasho ay ku sii daysay markabka iyo shaqaalaheeda uu horseedi karo weerarro kale oo lagu qaado maraakiibta ganacsiga.

Maraakiibta ku safra xeebaha Soomaaliya ayaa loogu baaqay inay feejignaan dheeri ah muujiyaan iyadoo la eegayo khatarta burcad badeedda ee dhawaanahan soo korortay, iyagoo intaa ku daray in xilliga roobabka ay sii fududeyn karto falalka burcad badeedda ee gobolka.

Howlgalka Atalanta ayaa sheegay in bixinta madaxfurasho ay abuuri karto mowjado cusub oo afduubyo doon ah taasoo mustaqbalka horseedi karta weeraro lagu qaado maraakiibta ganacsiga.

Bishii hore, ciidamada kumaandooska Hindiya ayaa fuulay oo dib u qabsaday markab la afduubtay bishii December, oo lagu magacaabo MV Ruen, oo ka babanaayay calanka Malta.

Dhammaan 17-ka qof ee la qafaashay ayaa la soo badbaadiyay, waxaana 35 nin oo lagu eedeeyay burcad badeed la geeyay Mumbai si loo maxkamadeeyo.

Dib u soo laabashada burcad badeeda Soomaalida ayaa ku soo aadeysa xilli Xuutiyiinta Yemen ay sidoo kale rasaas ku furaan maraakiibta ganacsiga ee mara xeebahooda, iyadoo lixdii bilood ee la soo dhaafay la bartilmaameedsaday ku dhawaad 80 markab.