5/1/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 18, 2024
Howlgal lagu dilay xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab oo ka dhacay gobolka Baay
 

Khamiis, April, 18, 2024 (HOL) - Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka ayaa howlgal qorsheysan aroornimadii hore ee saakay ka sameeyay deegaano hoostaga degmada Bardaale ee gobolka Baay.

Howlgalka ayaa ciidamada waxay si gaar ah uga fuliyeen tuulada Taflow oo qiyaas ahaan dhanka Koonfureed kaga beegaan degmada Bardaale 28 KM, halkaas oo ay saldhig ku lahayeen maleeshiyaadka Al-shabaab.

War qoraal ah oo kasoo baxay dowladda Fedaraalka ayaa lagu sheegay in howlgakaas lagu dilay 9 ka mid ah kooxda Al-shabaab, islamarkaana ciidanku ku soo furteen hub kala duwan.

"Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Xaq udirirka Deeganka ayaa howlgalkaan sifaynta ah ku soo furteen  7 qori oo AK 47 ah iyo 1 Bkm iyo Sanduuqyo  Rasaas ah waxaana Khawaarijta Halkaas Lagaga diley 9 Maleeshiyo oo Argagixisada ka tirsanaa" ayaa lagu yiri warka kasoo baxay dowladda.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in ciidamada is kaashanaya ay haatan gacanta ku hayaan tuulada Taflow oo ka mid aheyd goobaha kooxda Al-shabaab ay kasoo abaabuli jireen weerarada ay ka geystaan degmada Bardaale ee gobolka Baay.

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa dadka deegaanka ayaa inta badan howlgalo ka dhan ah kooxda Al-shabaab ka sameeya deegaanada ay kaga sugan yihiin gobolada Baay iyo Bakool.