4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 16, 2024
Soomaaliya oo shir muhiim ah uga qeyb galeysa magaalada Washington ee dalka Mareykanka
 

Talaado, April, 16, 2024 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Biixi Imaan Cige iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Washington DC ee dalka Mareykanka oo ay uga qeyb galayaan shirka xiliga gu'ga oo ay marti galinayaan Hay'adda IMF iyo Bangiga Aduunka.

Shirkaan lix biloodlaha ah ayaa socon doono mudo hal isbuuc ah, kasoo looga hadli doono arrimaha mudnaanta u leh deyn cafinta, hanaanka Maaliyadda iyo dib u eegista dhaqaalaha Aduunka.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Biixi Iimaan Cige iyo wafdigiisa ayaa furitaanka shirka ka hor kulan gaar ah waxay la qaateen Agaasimaha sare ee Hey'adda Lacagta Aduunka ee IMF u qaabilsan dalal ay ka mid tahay Soomaaliya Dr. Mahmoud Mohieldin.

Kulanka dhexmaray wafdiga uu hoggaaminayo Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Biixi Iimaan iyo Agaasime Dr. Mahmoud Mohieldin ayaa labada dhinac waxay ku gorfeyeen dib u habeynta Maaliyadda dalka iyo helitaanka maalin galin buuxdo oo loo gudbayo xiliga deyn cafinta kadib.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya iyo wafdigiisa ayaa mudada halka isbuuc ah ay ku sugnaan doonaan magaalada Washington waxay halkaas kulamo kula qaadan doonaan qaar ka mid ah madaxda dalalka ka qeyb galaya shirkaan iyo kuwa hay’adaha maaliyadeed.