4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 15, 2024
Xeer Ilaaliyaha Qaranka oo shaaciyay in baaris lagu hayo koontooyin ganacsi oo u furan Somali Journalists Syndicate
 

Isniin, April, 15, 2024 (HOL) - Xafiiska Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa shaaciyay inuu baaris iyo fatashaad ku haayo koontooyin ganacsi oo ku furan magaca Ururka Somali Journalists Syndicate ee loo soo gaabiyo SJS.

War qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska Xeer ilaaliyaha Qaranka ayaa lagu sheegay in koontooyinka ganacsi ee ku furan magaca SJS in loo adeegsaday diiwaan gelintooda shati been abuur ah.

“Somali Journalists Syndicate ayaa waxaa loo haysta fal-danbiyeedyada ku xusan qodobada: 372, 378, 452/3 ee xeerka ciqaabta Soomaaliya iyo qodobada 8-aad, f-1aad, qod. 16-aad f-1aad, qod. 26-aad ee sharciga Saxaafadda xeer lr. 26, ee soo baxay 2020" ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay xafiiska Xeer ilaalinta Qaranka.

Waxaa sidoo kale lagu sheegay qoraalka kasoo baxay xafiiska Xeer ilaalinta in marka uu soo idlaado baaritaanka in maxkamadda u gudbin doonto eed waafaqsan qodobka 71-aad ee XHCS.

Dhinaca kale Somali Journalists Syndicate SJS ayaa qoraal ah oo kasoo baxay ku shaacisay iney heshey warqad kasoo baxday Maxkamadda gobolka Banaadir oo lagu wargalinaayo in la xirayo oo lagu sameeynayo fatashaad akoonada Bangiga ee SJS.

"Ma jirto wax faahfaahin kale oo nala siiyay. Sidoo kale ma jirto wax eedeyn ah oo illaa hadda naloo soo gudbiyay. Hase yeeshee ilo dowladda ah ayaa noo sheegay in Wasiir ku Xigeenka Warfaafinta uu ka codsaday Maxkamadda in loo soo qoro amarkan. Somali Journalists Syndicate SJS waxay dhowaan soo saari doontaa warbixin dheeraad ah" ayaa lagu yiri qoraalka lagu daabacay bogga Somali Journalists Syndicate SJS.

Hoos ka akhriso qoraalka kasoo baxay xafiiska Xeer ilaaliyaha Qaranka oo faahfaahsan:-