4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 15, 2024
Soomaaliya: Colaadda Bariga Dhexe waxay khatar ku tahay xasiloonida iyo nabadda adduunka
 

Isniin, April, 15, 2024 (HOL) - Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay si aad ah uga walaacsan tahay colaadda Bariga Dhexe, waxayna si adag ugu baaqday dhammaan dhinacyada ay khuseyso in ay si deg deg ah u joojiyaan xiisadda colaadeed, ayna is xakameeyaan.

War saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in colaadaha iyo xiisadaha Bariga Dhexe ay khatar gelinayaan xasilloonida, nabadda adduunka iyo amniga.

Dowladda Soomaaliya waxa ay beesha caalamka ugu baaqday inay tallaabo degdeg ah qaaddo si xaaladda la dejiyo lana yareeyo khatarta isku dhacyada kale.

“Soomaaliya weli waxaa ka go'an in ay taageerto hindisayaasha kor u qaadaya nabadda, amniga, iyo xasiloonida Bariga Dhexe iyo kuwa ka baxsan.” Ayaa lagu yiri  bayaanka kasoo baxay dowladda.

Sidoo kale, dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in loo baahan yahay in si degdeg ah loo joojiyo weerarada Israel ay ku hayso dhulka Gaza.

Waxay Soomaaliya u ololaynaysaa in la helo xal ku salaysan labo dawladood.