4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 14, 2024
Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka oo ka hadashay cabasho kasoo yeertay Beeraleyda
 

Axad, April, 14, 2024 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo waraabka Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa ka hadlay cabasho maalmahii lasoo dhaafay kasoo yeeraysay Beeraleyda khudaarta geysa gudaha magaalada Muqdisho.

Beeraleyda ayaa ka cabanaayay ciidamada dowladda ee ku sugan baraha koontarool ee lagu baaro gaadiidka u sida khudaarta marka ay soo galayaan Muqdisho oo ay sheegeen in dhibaatooyin badan ay kala kulmaan ciidanka.

Waxay sheegeen Beeraleeyda inuu baaritaanka kaga lumo waqti badan oo xata mararka qaar ay ka halawdo khudaarta oo aan qaar keed u adkeysan karin in waqti badan banaanka lagu haayo.

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo waraabka Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay ineysan jirin caqbad u gaar ah Beeraleyda, islamarkaana ciidanka ay ka shaqeynayaan amaanka iyo in laga hortago weerarada Al-Shabaab, si aysan ugu soo dhex dhuuman gadiidka wada khudaarta.

“Beeraleyda soomaaliyeed waxaan u sheegayaa in Wasaaradda Beeraha inay u taagan tahay iney caawiso dadka Beeraleyda ah iyo in ay u sameeyso wax kasto oo dhiirigalin u noqonayo sidii wax soo saarkoodu u fiicnaan lahaa masuuliyadaa ayaana u taaganahnay, dadka Beeraleyda ahna waa kuwa ugu sharafta badan dadka Soomaaliyeed, maadama ay soo saaraan wax soor wax tar u leh dalka” ayuu yiri Wasiir Mareeye.

Hadalkaan kasoo yeeray Wasaaradda Beeraha iyo waraabka Soomaaliya ayaa kusoo beegmaya, iyadoo Jimcihii lasoo dhaafay qaar ka mid ah Beeraleyda ay Warbaahinta u sheegeen in dhibaatooyin kala kulmaan ciidamada dowladda ee ku sugan baraha koontaroolada ee laga ilaaliyo amniga Muqdisho.