4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 14, 2024
Dowladda Iran oo ka hadashay weerarro duqaymo ah oo ay ka geystay gudaha dhulka Israaiil
 

Axad, April, 14, 2024 (HOL) - Dowladda Iran ayaa hadashay gantaalo aargoosi ah  iyo duqeymo diyaaradeed oo ka dhan ah Israa'iil, si ay uga jawaabaan weerarkii Israel ee kowdii Abriil ee ka dhanka ahaa xarumaha diblomaasiyadeed ee Iran ay ku lahayd caasimadda Dimishiq ee Suuriya.

Kacaanka Islaamiga ah ee Iran ayaa ayaa bayaan ay soo saareen habeenimadii sabtida ee xalay ku dhawaaqay in ay bilaabeen duqeymo, iyaga oo howlgalkan ugu magac daray "Balanqaad dhab ah".

"Iyadoo laga jawaabayo dambiyada tirada badan ee taliska Sahyuuniyadda, oo ay ku jiraan weerarkii lagu qaaday qaybta qunsuliyadda ee safaaradda Iran ee Dimishiq iyo tiro ka mid ah taliyayaasha dalkeena iyo la taliyayaasha militariga ee Suuriya, Qeybta Hawada ee Kacaanka Iiraan waxay soo saartay tobanaan gantaal iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, kuwaaas oo lagu bartilmaameedsaday gudaha dhulka la haysto,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Wasiirka Difaaca Iran Brigadier General Mohammad Reza Ashtiani, ayaa dhanka kale uga digay dal kasta oo ciidiisa ama hawadiisa u furi kara Israel, si ay u weerarto Iran, isagoo sheegay inay heli doonaan jawaabtooda.