4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 14, 2024
Burcad badeedda Soomaalida oo madax furasho ka qaatay markabka MV Abdullah
 

Axad, April, 14, 2024 (HOL) - Markabka MV Abdullah ee laga leeyahay dalka Bangaladesh oo ay la socdeen 23 badmaaxiin ah ayaa laga sii daayay kooxda burcad badeedda Soomaalida ee haystay.

Badmaaxiinta iyo markabka ayaa la sii daayay ka dib markii lacag madax furasho ah looga soo tuuray diyaarad helikobter ah, sida ay sheegeen ilo wareedyadu.

Si kastaba ha ahaatee, waxaan markiiba la ogaan karin inta ay la egtahay lacagta madax-furashada ah. Hase ahaatee warar ayaa sheegaya in milyan ah oo madax furasho ah ay burcad badeeddu qaateen.

Qaar ka mid ah burcad badeeda ayaa u cararay dhanka xeebaha, iyadoo ciidamada maamulka Puntland ay wadaan dhaq dhaqaaqyo ay kusoo qabanayaan burcadda.

Waa markabkii ugu horreeyay oo ay burcad badeeddu ka qaataan lacago madax furasho ah saddeex bilood kadib markii ay xeebaha  ka bilowdeen falalka burcad badeedda.

Markabka lasii daayay ayaa dhuxul u siday Imaaraadka, waxaana la afduubtay 23-kii bishii March.

Waxaa soo baxaya walaaca laga qabo in dhacdadan ay sii hurin karto falalka burcad badeednimada ah ee ka soo cusboonaaday xeebaha Soomaaliya.