4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 13, 2024
Faahfaahino kasoo baxaya dagaal khasaare geystay oo maanta ka dhacay degmada Buurhakaba
 

Sabti, April, 13, 2024 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal beeleed geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo galinkii hore ee maanta ka dhacay degmada Buurhakaba ee gobolka Baay.

Dagaalka ayaa ahaa mid u dhaxeeyay laba maleeshiyo beeleed oo wada dega degmadaas, kuwaas oo maalmahii lasoo dhaafay xiisad u dhaxeyso ay ka taagneed gudaha degmada Buurhakaba.

Inta la xaqiijiyay dagaal beeleedka maanta ka dhacay Buurhakaba waxaa ku geeriyooday laba ruux oo ka mid ah dhinacyada dagaalamay, halka tiro intaas ka badan ay ku dhaawacmeen.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in Xaalada ay tahay haatan mid degan, islamarkaana odayaal iyo wax garad kasoo jeeda beelaha dagaalamay ay wadaan dadaalo lagu xalinayo dagaal beeleedka ka dhacay Buurhakaba.

Dagaalka maanta ka dhacay Buurhakaba ayaa kusoo beegmaya, iyadoo shalay dagaal beeleedyo ay ka kala dhaceen degmooyinka Baraawe iyo Qoryooleey ee gobolka Shabeellaha Hoose ee maamulka Koonfur Galbeed.

Ma jirto wali wax war ah oo kasoo baxay dhanka maamulka goboleedka Koonfur Galbeed oo ku aadan dagaal beeleedyada  labadii maalin ee lasoo dhaafay ka dhacay magaalooyinka ka tirsan Koonfur Galbeed.