4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 13, 2024
Taliyaha ciidanka xoogga oo ku dhawaaqay inuu dib u bilaabanayo howlgalka ka dhanka ah Al-shabaab
 

Sabti, April, 13, 2024 (HOL) - Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Sareeye Gaas Ibraahin Sheekh Muxudiin ayaa shaaca ka qaaday in dib u bilaabayaan howlgalada dalka looga xureynaayo kooxda Al-shabaab.

Wuxuu sheegay Taliyaha in ciidanka dowladda Fedaraalka Soomaaliya, kuwa maamul goboleedyada dalka iyo dadka deegaanka iney dib u bilaabayaan howlgalada ka dhanka ah kooxda oo hakad ku jiray bishii barakeysneyd ee Ramadaan.

"Ciidamada Qaranka bishii Ramadaan waxay ku jireen difaac oo waxa ay adkeeyeen amniga deegaanadii horay uga qabsadeen cadawga Khawaariijta, Balse haatan wixii ka dambeeya dagaallada dib ayay u billaabanayaan" ayuu yiri Taliyaha ciidanka Xoogga dalka Jenaraal Ibraahin Sheekh Muxudiin.

Taliyaha ayaa sidoo kale ugu baaqay dadka Soomaaliyeed ineysan siinin kooxda lacagaha baada ah oo ay ku sheegaan Sakawaad si awooda kooxdu u yaraato oo aysan u helin dhaqaalo ay hub ku iibsadaan.

Hadaalkaan kasoo yeeray Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa kusoo aadaya, iyadoo mudooyinkii u dambeeyay aad loo hadal hayay sababaha keenay iney hakad galaan howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab ee sanadkii lasoo dhaafay sida dardarta leh uga socday inta badan gobolada dalka.