4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 12, 2024
Soomaaliya oo ku gacan sayrtay heshiis dhinaca badda ah oo ay soo jeedisay Kenya
 

Jimco, April, 12, 2024 (HOL) - Soomaaliya ayaa ku gacan seyrtay hadal ka soo yeeray xoghayaha arrimaha dibadda ee dalka Kenya, Korir Sing'oei, kaasoo ahaa soo jeedinta heshiis dhanka badda ah oo ay wada gaareen dalalka IGAD, si loogu xaliyo xiisada kala dhexeysa Itoobiya.

Cali Cumar Balcad, Wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda, ayaa sheegay qorshaha la sheegay inuu yahay mid aan waxba ka jirin oo aan sal iyo raad toona lahayn, isagoo carrabka ku adkeeyay in Soomaaliya ay ku adkeysaneyso midnimada dhulkeeda.

“Wararka ku saabsan heshiiska badda ee ay ku lug leeyihiin Soomaaliya iyo Itoobiya gabi ahaanba waa kuwo aan waxba ka jirin. Soomaaliya waxay ku adkaysanaysaa midnimada dhulkeeda. Waxaan ku baaqaynaa in diiradda la saaro nabadda iyo xasilloonida gobolka.” Ayuu yiri wasiir Balcad.

Diidmadan ayaa timid ka dib markii xoghayaha arrimaha dibadda ee Kenya, Korir Sing'oei, uu u sheegay wakaaladda Reuters in Kenya ay heshiiskaas la wadaagtay Soomaaliya, si loo qaboojiyo xiisadda.

Heshiiska la soo jeediyay ayaa ujeedkiisu ahaa in Itoobiya ay hesho kheyraadka badda iyadoo la ixtiraamayo madax-bannaanida Soomaaliya.

Sing'oei ayaa ku andacootay in heshiisku uu u ogolaanayo dawladaha aan badda lahayn in ay galaangal u yeelan karaan dekedo ganacsi iyaga oo la wadaagaya kheyraadka badda waddamada xubnaha ka ah IGAD ee leh xeebaha.