4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 12, 2024
Dowladda Soomaaliya oo faahfaahin ka bixiyay tirada Shabaabka lagu dilay weerarkii Baar Sanguuni
 

Jimco, April, 12, 2024 (HOL) - Illaa 27 ka tirsan dagaalamayaasha kooxda Al-Shabaab ayaa lagu dilay hawlgal ka dhacay deegaanka Baar Sanguuni ee hoos taga degmada Jamaame ee gobalka Jubbada Hoose, sida ay sheegtay dowladda Soomaaliya.

Ciidanka amnig ayaa sidoo kale nolosha ku qabtay illaa shan ka tirsan Shabaab iyadoo hawlgalkan uu ka dambeeyay ka dib markii Shabaabku weerareen fariisin Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ay ku leeyihiin deegaankaas.

Dowladda ayaa sheegtay inay ciidamada xoogga dalka ay sii hayeen  xogta weerarka, iyadoo sheegtay inay ka hortageen dhagarta Alshabaab sidoo kalena ay jab xooggan gaarsiiyay.

Dowladda ayaa xaqiijisay in weerarkan ay ku gacan siiyeen saaxiibada caalamiga ah.

Sawirro lagu faafiyay baraha bulshada ayaa la arkayay maydadka xubno kamid ah Alshabaab iyo hal maxbuus oo gacmaha ka xiran oo ay ciidamada dowladdu gacanta ku dhigeen.