4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 12, 2024
Todobo cishe kadib go'aankii dowladda ku amartay in lagu xiro qunsuliyadaha Itoobiya ee Garowe iyo Hargeysa oo aan shaqayn

Jimco, April, 12, 2024 (HOL) - Waqtigii ay dowladda federaalka Soomaaliya u qabatay in lagu xiro qunsuliyadaha Itoobiya ay ku leedahay magaalooyinka Garowe (Puntland) iyo Hargeysa (Somaliland) ayaa ku ekaa khamiistii shalay.

Sida aan xogta ku helayno, labada qunsuliyadood ayaa si caadi u shaqeynaya haatan, mana jiraan wax saamayn ah oo ku yeeshay go’aankii kasoo baxay xukuumadda fedeaalka Soomaaliya.

Maamulada Somaliland iyo Puntland ayaa horey u diiday go’aanka Muqdisho kasoo yeeray, iyagoo sheegay in go’aannada dowladda federaalka aanu ka shaqaynayn degaanadooda.

Labada maamul ayaa mid walba gaarkiisa u sheegay inay Itoobiya laleeyihiin xiriiro saaxiibtinimo iyo mid ganacsi.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku eedeysay dowladda Itoobiya inay xad gudub qaawan ku hayso arrimaha gudaha Soomaaliya.

Go’aankii todobaadkii hore kasoo baxay golaha wasiirrada Soomaaliya ayay dowladdu sheegtay haddii uu dhaqan gali waayo inay qaadayso tallaabo kaste oo ay ku ilaalinayso madax banaanideeda dhuleed.

Warar aanu kasoo xiganay ilo diblumaasiyadeed waxay sheegayaan in dowladda Soomaaliya ay diyaarinayso dacwad ay u gudbinayso Qaramada Midoobay, taasoo ah eedayn ka dhan ah faragalinta Ethiopia.