4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 11, 2024
Faahfaahin ku saabsan safarka madaxweyne Xasan Sheikh uu maanta ku tagay magaalada Nayroobi
 

Khamiis, April, 11, 2024 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho rasmi ah oo hal maalin ah ku tagay magaladda Nairobi ayaa ka helay casuumaada dhigiisa madaxweynaha dalka Kenya William Ruto.

Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya Cabdiraxmaan Xudeyfi, ayaa sheegay safarka madaxweynuhu inuu ku saabsan yahay adkeeynta xiriirka labada dal, iyo iskaashiga dhanka ganacsiga.

Dhanka kale, afhayeenka madaxweynuhu wuxuu sheegay in labada madaxweyne ay ka wada hadli doonaan sidii ay isaga kaashan lahayeen la dagaalanka waxa loogu yeeri argagixisada, maaddaama ay caqabad weyn ku yihiin nabadda geeska Afrika.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegtay in kulanka ay yeelanayaan madaxweynayaasha labada dal la rajeynayo inay ka soo baxaan wada hadalo mira dhal ah.

Si kastaba ha ahaatee, Madaxweyaha Kenya ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay ku howlanaa dadaallo dublamaasiyadeed oo uu ku doonayo in uu ku dejiyo xiisadda ka dhex aloosan Muqdisho iyo Addis Ababa, taasoo salka ku haysa arrimaha badda.

Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa kol hore ka diiday madaxweyne Ruto inuu wada hadal siiyo isaga iyo raysal Wasaare Abiy Ahmed. Xasan Sheikh ayaa sharuud ku xiray in marka hore Itoobiya ay joojiso heshiiska ay la gashay Somaliland.