4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 11, 2024
Ciidanka dowladda iyo kuwa Jubbaland oo xubno badan Al-shabaab uga dilay Jubbada Hoose
 

Khamiis, April, 11, 2024 (HOL) - Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa maamulka Jubbaland ayaa fashiliyay weerar kooxda Al-shabaab ka geysan rabtay deegaanka Baarsanguuni ee gobolka Jubbada Hoose.

War qoraal ah oo kasoo baxay dowladda Fedaraalka ayaa lagu sheegay in ciidamada ay ka hortageen weerarka ay dooneysay kooxdu iney ka fuliso Baarsanguuni, islamarkaana haatan ay ciidanku wadaan howlgalo lagu dilay xubno ka tirsanaa kooxda Al-shabaab.

"Ciidamada Qaranka waxaa u suurta-gashay inay ka hor tagaan weerarkii Khaawarijta oo xogtiisa la sii hayey, waxaana socda weli socda howlgal looga dilay dhagarqabayaal badan, kuwaas oo meydadkooda ay goobta daadsan yihiin" ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay dowladda.

Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa kordhiyay maalmahii lasoo dhaafay howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab ee dagaalka kula jirta dowladda Soomaaliya, waxaana xusid mudan in Jubbaland ay ka mid tahay meelaha ay wali ku xoogan yihiin kooxda.