4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 11, 2024
Puntland: Haddii Soomaaliya ay kala tagto waxaa masuuliyaddeeda qaadaya madaxweyne Xasan Sheikh
 

Khamiis, April, 11, 2024 (HOL) - Madaxweyne ku-xigeenka ahna ku-simaha Madaxweynaha Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa sheegay, in wax ka bedelka dastuurka ay horseedi doonto kala taga  midnimada Soomaaliya.

Madaxweyne Ilyaas Lugatoor ayaa sheegay, haddii Soomaalidu ay kala qaybsanto in madaxweyne Xasan Sheekh uu keligiis mas'uuliyadeeda qaadayo.

Hadalka madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa yimid, xilli Puntland dhawaan ay shaacisay inay u dhaqmayso sida dowlad madax bannaan, iyagoo kalsoonadii kala noqday dowladda federaalka.

Maalmo kadibna maamulka Puntland ayaa bilaabay inuu wafdi u diro Ethiopia, si ay ulasoo yeeshaan wada xaajoodyo ku saabsan in Ethiopia ay iskaashi dhow la yeelato maamul goboleedka Puntland.

Sidoo kale, Puntland ayaa ka hortimid go’aan kasoo baxay dowladda federaalka Soomaaliya, kaasoo ku saabsanaa in la xiro qubsuliyadda ay dowladda Ethiopia ku leedahay magaalada Garowe.

Geesta kale, madaxweyne Xasan Sheikh ayaa sheegay tabasho kaste oo la qabo in aysan cudur daar u noqon karo in shisheeye loo raadsado kaalmo. Wuxuuna sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay in ay ku dhaqanto wax ka beddelka lagu sameeyay dastuurka dalka.