4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 10, 2024
Madaxweyne Xasan Sheekh oo balan qaad muhiim ah u sameeyay Caruurta Agoonta ee Ciidamada Qalabka Sida
 

Arbaco, April, 10, 2024 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta munaasabadda maalinta koowaad ee farxada Ciida Soonfureed Muqdisho kula qaatay qaar ka mid ah Caruurta Aabayaashood ay ku geeriyoodeen dagaalada dalka looga xureynayo kooxda Al-shabaab.

Wuxuu sheegay Madaxweyne Xasan Sheekh in ciidamadii naftooda ku waayay difaaca dalka iyo dadka Soomaaliyeed in baal dahabi ah ku jiraan, islamarkaana dowladdiisa ay joogteyn doonto xuquuq u gaar ah caruurta agoonta ah ee Aabayaashood u dhinteen difaaca Qaranka.

“Dowladdoodu marnaba hilmaami mayso ubadka iyo ehelladooda sharafta badan, ayagana waxaan Alle u weydiinaya dhamaan halyeeyadii nafta u huray difaaca dalka, dadka iyo diinta islaamka in uu hoygooda ka yeelo Janatul Firdowsa"ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ku amaanay hooyooyinka Caruurtaan dhalay sida kartida leh oo ay ugu dhabar adeegeen barbaarinta iyo daryeelka Caruurtaan Aabayaashooda u shahiiday difaacida dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Dowladda Fedaraalka Soomaaliya waxay horay magaalada Muqdisho uga hirgalisay xarumo lagu barbaariyo caruurta agoonta ah oo ay Aabayashooda dhinteen ayagoo u adeegaya dowladda iyo dadka Soomaaliyeed.