4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 31, 2023
SSC-Khaatumo oo sheegtay in 2 qof oo shacab ahi ku nafwaayeen miino ay ciidamada Somaliland dhulka ku aaseen

Arbaco, May, 31, 2023 (HOL) - SSC-Khaatumo ayaa sheegtay in 2 qof oo shacab ahi ay ku nafwaayeen miino ay ciidamada Somaliland dhulka ku aaseen, deegaanka Sii-xawle ee gobolka Sool.

Afhayeenka Guddida 33-ka SSC Cabdirisaaq Maxamed Xasan Fallaalug, ayaa sheegay 2 qof oo xoola dhaqato ahi ay ku nafwaayeen miino ciidanka Somaliland dhulka ku aaseen.

"Jabhada argagixisada ah ee SNM waxay dhibaato ka gaystay dooxada Sii-xawle, meel laamiga u dhow ayay ku aaseen miino, miinadaasi waxay la kacday rag dhallinyaro ah oo xoolo wata, geel ayay halka kula kacday, waxa ku dhintay 2 nin oo dhallinyaro ah oo xoolaha watay" ayuu yidhi Fallaalug.

Ciidamada Somaliland ayuu ku eedeeyay in ay gaysanayaan tacadiyo xuquuqda aadanaha ka dhan ah, isaga oo sheegay in miinada dunida laga mamnuucay, sida uu hadalkiisa u dhigay. Miinada ayuu sheegay in ciidanka Somaliland difaac ka dhiganayeen.

"Waxaanu u sheegayna adduunka cidkasta oo arrimaha caynkaasa loo gudbiyo in arrinta ay gaysatay jabhada argagixisada ah ee SNM si dhakhso ah wax looga qabto laguna ciqaabo" ayuu yidhi Fallaalug.

Shacabka ayuu ugu baaqay in ay ka foojinaadan, marka ay marayaan wadooyinka magaalooyinka soogalaya.