4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 7 , 2023
Jaaliyada Soomaaliyeed ee magaalada Melbourne oo taageero u muujiyay dadka reer SSC
 

Talaado, Maarso, 7, 2023 (HOL) - Qeybaha duwan ee Jaaliyadda Soomaalida ee ku nool magaalada Melbourne ee dalka Australia ayaa ka qeyb galay munaasabad balaaran oo lagu taageerayay dadka reer SSC, Sool, Sanaag iyo Ceyn.

Waxgaradkii kala duwanaa ee ka hadlay munaasabada Jaaliyada Soomaaliyeed magaalada Melbourne ay ku taageerayeen dadka reer SSC waxay dhamaantood ka sinayeen iney kasoo horjeestaan dagaalka dhiiga badan ku daatay ee wali ka socda magaalada laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Qaar ka mid ah Jaaliyada Soomaalida ee Melbourne ee kasoo jeeda deegaanada SSC oo munaasabada ka hadlay waxay sheegeen ineysan ka mid aheyn Somaliland oo ay yihiin maamul ka madax banaan deegaanada Somaliland.

"Anaga dhulkeena iyo dadkeenaba ka mid mahan Somaliland, mana ka mid noqon doono waligeyn marka waxaan leeyahay dad walaalo ah ayaa nahay ee dulmiga naga dhaafa oo dhulkeena noo dhaafa" ayuu yiri mid ka mid ah Jaaliyada reer Melbourne.

Waxaa sidoo kale dadkii ka hadlay munaasabada qaarkood ay ugu baaqeen Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud inuusan indhaha ka fiirsan waxa ka dhacaya deegaanada SSC oo uu si dhab ah u abaaro xalka dadka lagu dhibaateynayo deegaanadaasi.

"Madaxweyne Xasan Sheekhoow dadka reer SSC waxay u dhimanayaan oo loo dilaya waa midnimada Somaliweyn oo ay jeceyl yihiin ee madaxweyne waa inaad aqoonsata maamulka Khaatumo State" ayuu yiri mid ka mid Jaaliyada magaalada Melbourne

Gabagabadii waxgaradka kasoo jeeda deegaanada Sool, Sanaag iyo Ceyn oo munaasabada ka hadlay waxay sheegeen iney ka go'an tahay in deegaanada SSC laga taago Calanka umada Soomaaliyeed.