4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 7 , 2023
Dowladda Soomaaliya oo mar kale ku celisay inay garab taagan tahay qaddiyada reer Falastiin
 

Talaado, Maarso, 7, 2023 (HOL) - Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku celiyay in Soomaaliya ay si hagar la’aan ah u garab taagan tahay qaddiyada reer Falastiin.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu baaqay Israa'iil in ay bedesho istiraatijiyaddeeda dhulka falastiiniyiinta.

Xasan Sheekh wuxuu sheegay in xaaladda hadda jirta ay tahay mid aan la aqbali Karin.

Hadalka madaxweynaha Soomaaliya oo qeyb ka ahaa wareysi uu siiyay warbaahinta Aljazeera, ayaa kusoo aaday, iyadoo warbaahinta lagu qoray in wasiirka arrimaha dibadda ee Israaiil Eli Cohen uu ka shaqeynayo sidii uu caadi u noqon lahaa xiriirka kala dhexeeya Mauritania, Soomaaliya, Niger. iyo Indonesia.

Israel iyo Soomaaliya waligood ma wadaagaan xiriir diblumaasiyadeed, balse sanadkii la soo dhaafay, ayaa waxaa soo baxay warar sheegaya in Madaxweynaha  Xasan Sheekh Maxamud uu daneynayo xiriirka Israel.

Wasiirka arrimaha dibadda Israa'iil waxa kale oo uu ka shaqaynayaa sidii uu caadi uga dhigi lahaa xidhiidhka uu la leeyahay Indonesia oo ah dalka Muslimka ah ee ugu weyn caalamka.