4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 5 , 2023
Faysal Cali Waraabe: Dagaalka Laascaanood waa qorshe la doonayo in Somaliland khariidada lagaga saaro
 

Axad, Maarso, 5, 2023 (HOL) - Guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, ku eedeeyay in uu ka danbeeyo colaada Laascaanood.

Faysal waxa uu ku andacooday in madaxweyne Farmaajo, uu dhigay qorshe la doonayo in Somaliland lagu burburiyo 5 tii sanno ee uu talada Soomaaliya hayay.

"Qorshahani waa qorshe la doonayo in Somaliland lagaga saaro khariidada, qorshahan waxa ka shaqeeyay Ina Farmaajo shantii sanno ee uu Xamar ku amar ku taaglaynayay, qorshani wuxuu leeyahay guddi sare oo isir ku salaysan, oo 21 ah oo G21 la yidhaa" ayuu yidhi Faysal.

Waxa uu sheegay in guddidan ay ku jiraan madax hore oo soo martay dalka Soomaaliya, sida Cumar Cabdirashiid, Cabdiwali Gaas, Farmaajo, iyo waliba siyaasiga reer Kenya ee Faarax Macalin iyo qaar kale, sida uu hadalkiisa u dhigay.

Waxa kale oo uu Faysal ku andacooday in ciidanka dowlada Soomaaliya tababarka ugu dirtay Eriteriya loogu talo galay in Somaliland lagu waxyeeleeyo, waxaanu ku baaqay in la garab istaago ciidamada Somaliland, isaga oo sheegay in ay iyagu guulaysan doonaan.

Faysal dhinaca kale, xukuumada madaxweyne Biixi ayuu ku eedeeyay in ay ka danbaysay oo ay sabab u ahayd colaada Laascaanood, isaga oo ku andacooday in madaxweynaha uu kursigiisu kala waynyahay jiritaanka Somaliland.

Garaadada ku sugan Laascaanood, ayuu sheegay in kooxo kale ay lugoynayaan, isla markaana wuxuu ugu baaqay in ay ka taxadar ciidamada usoo gurmanaya ee maalmihii ugu danbeeyay imanayay Laascaanood.



Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]