4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 5 , 2023
Weerar geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh oo ka dhacay magaalada Muqdisho
 

Axad, Maarso, 5, 2023 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo Xalay koox hubeysan ay ku qaaday Maqaayad ku taala deegaanka Daarusalaam ee magaalada Muqdisho.

Weerarka ayaa la sheegay iney geysteen rag hubeysana oo weerarkooda ku bilaabay bam gacmeed ay ku tureen dad fadhiyay maqaayada oo isugu jiray Odayaal iyo dhalinyaro, waxaana Bam gacmeedka kadib lasoo wariyay in dableyda hubeysned ay toogasho ku dileen qaar ka mid ah dadkii maqaayada fadhiyay.

Ilaa shan ruux ayaa la sheegay iney ku dhinteen weerarkaasi tiro kalana ay ku dhawaacmeen, waxaana goobta isaga baxsaday kooxdii hubeysned ee weerarkaasi geysatay, lamana oga ilaa hada cida ay ka tirsan yihiin dableyda weerarkaan fulisay.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliiska Soomaaliya ayaa daqiiqado kadib gaaray halka wax ka dhaceen, kuwaas oo ka sameeyay goobta iyo nawaaxigeeda baaritaano natiijadooda aan la shaacin.

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka laamaha amaanka dowladda Soomaaliya oo ku aadan weerarkaan khasaaraha geystay ee xalay ka dhacay deegaanka Daarusalaam ee magaalada Muqdisho.

Weerarkaan Xalay lagu dilay dadka shacabka ah ayaa kusoo beegmaya, iyadoo mudooyinkii lasoo dhaafay amaanka magaalada Muqdisho uu sii xumaanayay.