4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 4 , 2023
Puntland oo ka hortimid sharciga maareynta iyo horumarinta Kalluumeysiga Soomaaliya
 

Sabti, Maarso, 4, 2023 (HOL) - Wasaaradda Kalluumaysiga Puntland ayaa ku eedeysay wasaaradda kalluumaysiga Soomaaliya, inay doonayso inay meel mariso sharci kalluumaysi oo ay sheegtay inuu ka hor imaanayo dastuurka dalka.

Wasaaradda kalluumaysiga Puntland waxay sheegtay sharcigan inuu ka hor imaanayo qodobka 44-aad ee dastuurka Soomaaliya, kaasoo qeexaya qaybsiga khayraadka dabiiciga ah ee jamhuuriyadda Soomaaliya.

Sidoo kale, Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda ee Puntland waxay sheegtay in aysan aqoonsanayn kuna dhaqmi doonin sharci kasta oo baalmarsan dastuurka Puntland iyo kan Dowladda federalka.

Dhammaadkii Bishii February ee sannadkan ayay ahayd markii wasiirka kalluumaysiga Soomaaliya, Axmed Xassan Aadan, uu sharcigan horgeeyay golaha shacabka si ay u meelmariyaan. Balse weli lama meel marin.

Wasiirka ayaa ku tilmaamay sharcigan oo isbeddel lagu sameeyay qodobadiisa qeybtood, inuu daboolayo baahi weyn oo loo qabo sharci kalluumeysi oo dhamaystiran kana jawaabaya baahida sharci ee khayraadka kalluunka dalka.