4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 4 , 2023
Dowladda Soomaaliya oo u yeertay Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Qatar
 

Sabti, Maarso, 4, 2023 (HOL) - Wasaaradda arrimaha Dibadda Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa u yeertay Safiirka dowladda Soomaaliya u jooga dalka Qatar Danjire Cabdirisaaq Faarax Cali Taano.

Wasaaradda arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa warqad ay u dirtay dowladda Qatar waxay ku wargelisay in Safiirka Soomaaliya ee Qatar loogu yeeray inuu wadatashi u yimaado magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale Wasaaradda ay si ku meel gaar ah sii hayaha Safaarada Soomaaliya ee Qatar ugu magacawday Ruun Saciid Qooraheel, sida lagu shaaciyay qoraalka kasoo baxay Wasaaradda arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Danjire Cabdirisaaq Faarax Cali Taano ayaa ka mid aha Safiiradda ugu awooda badnaa dowladii hore ee uu madaxweynaha ka ahaa Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Si kastaba ha ahaatee talaabadaan ay qaaday dowladda Soomaaliya ayaa kusoo beegmeysa, iyadoo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud lagu wado inuu booqasho ku tago saacadaha soo socda magaalada Doxa ee dalka Qatar.