4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 3 , 2023
Guddoonka barlamaanka Soomaaliya oo magacaabay guddi kasoo talo bixiya mooshin muddo kororsi ah

Jimco, March, 3, 2023 (HOL) - Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee barlamaanka ahna ku simaha guddoomiyaha, xildhibaan Sacdiyo Yaasiin Samatar, ayaa magacowday guddi kasoo talo bixiya mooshin ay soo gudbiyeen ku dhawaad 100 xildhibaan.

Xildhibaanadan ayaa soo jeediyay in wax ka beddel iyo kaabis lagu sameeyo dastuurka kumeel gaarka ah ee dalka.

Mooshinkan ayaa sida aan warar ku helayno, wuxuu ku saabsan yahay in muddo xileedka barlamaanka laga dhigo shan sano ah, sidaasna uu barlamaanka hadda jira iyo xukuumaddiisaba ku helaan hal sano oo muddo kordhin ah.

Gudddoomiye ku xigeenka koowaad ee barlamaanka ayaa illaa todobada bishan March u qabatay guddigan inay kusoo gudbiyaan talo soo jeedintooda, si loogu daro ajandaha guud ee barlamaanka.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur, Warsame, erayga abaaraha Soomaaliya, ayaa sheegay guddoonka baarlamaanka in laga sugayey in ay soo gudbiyaan ajandayaal ku aaddan sidii doorashada dadban looga bixi lahaa.

Wuxuu sheegay in aysan xilligaan ahayn xilli uu barlamaanku ka fekero muddo kororsi. Wuxuu sheegay in barlamaanku ogyahay mashaqadii iyo dhibkii muddo kororsi laga soo maray.