4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 3 , 2023
Raysal wasaare Xamse oo sheegay in ciqaab adag la marsiindoono askarta gabood-falka ku haysa shacabka

Jimco, March, 3, 2023 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre oo maanta shacabka kula tukaday salaaddii Jimcada Masaajidka Isbahaysiga Islaamka ee magaalada Muqdisho, ayaa ka hadlay dilalkii ka dhacay Muqdisho maalmihii la soo dhaafay.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay inay dowladdu gacanta ku hayso dadkii ku lugta lahaa dilalkii ka dhacay magaalada Muqdisho Caasimadda ee ay ku lug lahaayeen qaar ka mid ah askarta Dowladda.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa tilmaamay in ciqaabta sharci ee ugu adag la marinayo askari kasta oo gabood-fal ku sameeya shacabka.

Wuxuu sheegay in xukuumaddiisu ay xoogga saareyso ilaalinta anshaxa iyo howl-gudashada ciidamada qalabka Sida, isagoo sheegay in goobaha hubinta dadweynaha laga mamnuucay askari isticmaalaya maandooriyaha.

Madaxda isticmaasha waddooyinka ay yaalaan baraha Kontoroolada, ayuu ugu baaqay Ra'iisul Wasaaruhu in ay si habboon ula dhaqmaan ciidamada.