4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 3 , 2023
Mareykanka oo rajo weyn ka muujiyay in Soomaaliya ku guulaysanayso la dagaalanka Al-Shabaab
 

Jimco, March, 3, 2023 (HOL) - Taliyaha ciidamada Mareykanka ee Africa Gen Michael Langley, ayaa sheegay in ay ku rajo weyn yihiin in dowladda Soomaaliya ay ku guulaysato dagaalka ka dhan ah Shabaab.

Isagoo ka hadlayay shirkii caalamiga aha ee Taliyayaasha Difaaca Afrika, Gen Langley wuxuu kalsooni ka muujiyay hab dhaqanka madaxweynaha Soomaaliya uu wax kaga qabanayo joogitaanka Alshabaab ee Soomaaliya.

“Aad ayaan ugu rajo weynahay sida ay u socdaan ololahooda ka dhan ah Alshabaab. laakiin sidoo kale tallaabada xigta waxaa loo baahan yahay in dowladdu sameyso u adeegida bulshada dhibaataysan, hadday tahay in gargaar la gaarsiiyo dadka abaaruhu saameeyeen ah.” ayuu yiri Gen Langley.

Sarkaalkan ayaa sheegay in Maraykanku uu la garab taagan yahay Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya taageeridda howlgallada Ciidanka ee ka dhanka ah kooxda Alshabaab, isla markaana aysan jirin wax dhibaato ah oo rayid ah oo ka dhasha.

Sanadkii la soo dhaafay, Mareykanka ayaa in ka badan $2.5 bilyan oo gargaar naf-badbaadin ah siiyay Geeska Afrika, iyadoo $1.3 bilyan oo ka mid ah lacagtaas ay si toos ah ugu socotay Soomaaliya.

Shirweynaha 2023-ka ee Madaxda Difaaca Afrika ayaa isugu keenay hoggaamiyeyaal ka kala socda 43 waddan oo Afrikaan ah iyo 15 unug oo Ilaalada Qaranka Mareykanka ah oo ka dhacay magaalada Rome, si ay uga wada hadlaan iskaashiga dagaalka lagula wax loogu yeero argigixisada caalamiga ah.