4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 3 , 2023
Masar oo Barlamaanka Soomaaliya ka caawinaysa kor uqaadida aqoonta iyo xirfadda xildhibaanada Soomaaliya
 

Jimco, March, 3, 2023 (HOL) - Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa Qaahira kulan laba geesood ah kula yeeshay dhigiisa dalka Masar Dr. Hanafy El Gebaly.

Kulanka dhexmaray guddoomiyayaasha labada labada baarlamaan ayaa looga wada hadlay xoojinta xiriirka ka dhaxeeya labada baarlamaanadooda.

Waxaa la isku af gartay in macaahida Masar ay aqoon kororsi siiyaan xildhibaannada iyo howlwadeennada barlamaanka si loo dhiso xirfaddooda.

Kulanka ayaa sidoo kale la Isla gartay in la dhiso guddi  labada Baarlamaan ah, iyadoo labada Xoghaye la faray inay ka shaqeeyaan dhaqan gelinta qodobada la isku afgartay.

Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay sidii dowladda Soomaaliya gacan looga siin lahaa sugida amniga iyo la dagaalanka Alshabab.

Guddoomiyaha barlamaanka Soomaaliya ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay socdaallo kala duwan ku marayay dalalka Carabta, isagoo ka qeyb galay shirka midowga barlamaanka jaamacadda Carabta oo ka dhacay Iraq.