4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 3 , 2023
Somaliland oo sheegtay in Puntland ay qorshaynayso in ay weerar kusoo qaado ciidankeeda

Jimco, March, 3, 2023 (HOL) - Xukuumada Somliland ayaa sheegtay in xogo sirdoon oo ay heshay ay ku ogaatay  in ciidamada Puntland ee PSF iyo PMPF ay qorshaysanayaan in ay soo weeraraan xeryaha millateriga Somaliland ee gobolka Sool.

Qoraal kasoo baxay Wasaarada Gaashaandhiga Somaliland, ayaa lagu sheegay in xukuumadu ay beesha caalamka ku wargalinayso dagaal ay Puntland qorshaysay in ay kusoo qaado Somaliland.

"Wasaarada gaashaandhigu waxay rabtaa in ay ku wargaliso beesha caalamka, dowladaha gobolka iyo Qaramada Midoobay, in xogo sirdoon oo lagu kalsoonyahay oo aanu helnay ay muujinayaan in ciidamada Puntland ee PSF iyo PMPF ay qorshaynayaan in ay soo weeraraan ciidanka qaranka".

Warbixinta waxa lagu sheegay in kadib markii ay Somaliland xogtan heshay ay qaaday dhamaan talaabooyinka lagama maarmaanka u ah, si ay u difaacdo dhulkeeda iyo shacabkeeda, waxa kale oo lagu sheegay in Puntland ay cadaawad dooratay, lakiin Somaliland is difaaci doonto.

Somaliland waxay beesha caalamka ka codsatay in ay cambaareeyaan waxay ku tilmaantay gardaro, isla markaana ay taageerto xaqa ay Somaliland u leedahay in ay is difaacdo, ayaa lagu yidhi warbixinta.

Waxa ugu danbayntii lagu sheegay in Somaliland ay rabto in ay nabad kula noolaato dhamaan jaarkeeda, lakiin anay ka laba labayn doonin in ay difaacdo dhulkeeda iyo madaxbannaanideeda.


Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]